4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo soo bandhigay Liiska Xildhibaannada

Isniin, August, 12,  2019 (HOL) –Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa goor dhow shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Liiska oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa lagu sheegay in muddo 20 cisho ah ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland soo xulista xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, iyagoo liiska u soo gudbiyay guddiga doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga ayaa soo bandhiggay liiska Xildhibaannada xilli ay wali diiddan tahay dowladda Federaalka hannaanka ay u socoto doorashoyinka Jubbaland.

Hoos ka akhri Liiska Xildhibaannada;





Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online

[email protected]