11/19/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Maxaa ka jira in xujey Soomaaliyeed oo ku sugan Makka aysan wali Xajin


 

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warar sheegaya in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo iyaga oo ku sugan magaalada Makka aan wali  gudan waajibaadkii xajka.

Dadka oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in oo jooga Makka u suurtagali weyday in ay xajiyaan, waxaana ay eedeyn u jeediyeen shirkaddihii soo qaaday oo sida ay hadalka u dhigeen markii ay keeneen dalka Sacuudiga meel isaga tuuray.

Waxaa ay intaa ku darreen in ay garan-waayeen qaab ay u xajiyaan, xitaa aysan helin deegaan wanaagsan oo ay degaan, madaama shirkaddihii ay soo qaaday halkaa uga dhuuteen.

Balse dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay isla VOA ayaa arinta ku tilmaamay borobogaato iyo warar la siyaasadeynayo, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu u baahan tahay in ay hesho cadeynta arintan u saabsan.

''Aniga u maleyn-maayo in ay jiraan dad noocaas ah, Wasaaraddu dadaallo badan ayeey waday intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka, waa arrin runtii la siyaasadeynayo, mana ah in Xajka la siyaasadeeyo'' ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay isla Wasaaraddu sheegtay in ay jiraan kana war hayaan shirkaddo dayacay dadkii ay soo qaadeen, dowladda la xisaabtami doonto, waxaana muuqata in hadalkii hore ee Wasaaradda iyo cabashada ku aadan in ay jiraan dad aan wali xajin uu isa saameynayo.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 










Click here
8/12/2019 4:12 PM EST
Isniin, August, 12, 2019 (HOL) –Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa goor dhow shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

8/12/2019 12:55 PM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Shan qof ayaa hada la ogyahay oo sadex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

8/12/2019 11:35 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Shan qof oo saddex haween yihiin, labana rag yihin ayaa maanta lagu dilay magaaladda Ceel-afweyn ka dib marka dabley beeleysani soo weerareen dad shacab ah ku dileen magaaladda.

8/12/2019 9:34 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay booliska sheegeen.

8/12/2019 7:57 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay saraakiisha sheegeen.

8/12/2019 7:31 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed Laftagareen aya guddigu saaray dadkii dhawaan lagu dilay dulleedka magaalada Beydhabo.

8/12/2019 5:04 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal weli ka wadaan deegaano duleedka ka ah degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen.

8/12/2019 3:02 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– Kursi ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku loolamaya dalalka Kenya iyo Jabuuti ee bariga qaaradda Afrika.

8/12/2019 2:46 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– Ciidammada milatariga Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka.

8/12/2019 2:16 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– 18 shaqaale ajaaniib ah oo lagu haystay biyaha bariga Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtey dalkooda.