12/11/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Madaxweynaha Puntland oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo




Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda Ciidul Adxaha garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulka , isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.

Sidoo kale,Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland , Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la qaybsanaya muslimiinta caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba farxadda ciidul adxaha ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland munaasibadda maalintani weyn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]








Click here
8/11/2019 2:30 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal militari oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dileen ilaa 16 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay bogga Twitter -ka ee taliska ciidamada xoogga dalka.

8/11/2019 1:42 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Kumannaan ruux oo ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u dukasho iyo damaashaad tegey deegaanka casriga ah ee Daaru-salaam oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

8/11/2019 9:02 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo jeediyay khudbad ku aadan munaasabada Ciidda ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay fara-galinta ka deyso Jubbaland.

8/11/2019 8:39 AM EST
Axad, August, 11, 2019 (HOL – Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn loogu ciiday ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee islaamka ugu weyn.

8/11/2019 8:24 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfa ayaa maanta boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carafo kula dukaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

8/11/2019 6:44 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Ismaamulka magaalada Diridhabe ayaa maanta si wayn looga xusay Ciiddii, iyadoo dad aad u badan ay isugu soo baxeen salaaddii Ciidda ee maanta, dadkan oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaalada ayaa isugu jiray yar iyo waynba, waxaanad is dhahaysaa markaad dadka badnidiisa aragto malaha qofba xaafadaha lagagama iman.

8/11/2019 5:55 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadweyne isaga kala yimid xaafaddo kala duwan ayaa maanta si wada jir ah meel-fagaaro ah ugu Oogay Salaada Ciidda-Carrafo.

8/11/2019 5:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carrafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho.

8/11/2019 2:41 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

8/11/2019 2:22 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle loogu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.

8/11/2019 1:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) -Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.