4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
SAYLICI “ Hadii 28 sannadood qabyaaladi cagaha ina hayn maanta halka aynu joogno toban laabkeed ayeynu joogi lahayn”


Axad, August, 11,  2019  (HOL – Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn loogu ciiday ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee islaamka ugu weyn.

Hiirtii waaberi ee saaka ayaa dadweynuhu u dareereen garoomada waaweyn ee lagu oogayo salaadda Ciidda, markii la soo tukaday laba ragcadood ee salaadda Ciida waxay dadweynuhu u dareereen xaafadihii si ay usoo quraacdaan, halka qaarkood suuqa buux dhafiyeen, waxaanay dadka wajiyadooda laga dareemayey farxada iyo nuurka ka muuqda, iyadoo qof walba qof kale ku salaamayey Ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan.

Wadooyinka iyo goobaha lagu nasto waxa buux dhaafiyey caruur loo soo xidhay labisyo qurux badan, kuwaas oo ay la dabaaldegayeen waalidiintood.

Saaka waxa salaadda la tukaday masaajidka weyn ee masjid jaamaca badhtamaha Hargeysa, ku simaha madaxweynaha ahna ku xigeenka madaxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, waxaanu dadweynaha islaamka ugu hambalyeeyey munaasibada ciida darteed.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dhibaatada ay leedahay qabyaaladu iyo sida aanay qaranka iyo qabyaaladi meel usoo wada gali Karin, waxaanu dadweynaha ku baraarujiyey in qabyaalada la iska fogeeyo oo qaranka lala shaqeeyo.

“nimcada aynu haysanno aanu ilaahay ugu mahadnaqno, abaarihi soo noqon noqon jirey sanadkan waa laga nastay oo barwaaqo ayeynu ku jirnaa, ilaahay sidaas ha inoogu waddo, qaranku wuxuu ku dhismaa in qabyaalad laga tago, dimuqradiyad aynu qaadanay waxa laga soo dheegtay uun sida diinteenu ina farayso in qof kasta oo dunida ku nooli uu xaqiisa helo, xoriyadiisa helo, naftisa iyo maalkiisa lagu xadgudbi Karin intaas yey diinteenuna ina fartay oo dimuqradiyaduna ina fartay.”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku Saylici.

Mar uu dadka ka dhibaatadda qabyaalada wuxuu yidhi “Waynu faanaa oo qaran 28 sanno horumar ku jiray baynu ahayn oo markaynu aragno qaran 28 sanno burbursana oo walaaladeen ah ayeynu isku aragnaa inaynu horumar weyn gaadhnay, laakiin hadii 28 sanno qabyaaladi cagaha ina hayn maanta halka aynu joogno toban laabkeed ayeynu joogi lahayn, hadii aynu nahay madax iyo mijiba aynu gacmaha isku qabsano halkii uu doonayey inaanu gaadhsiino ilaahayna la kaashano himiladeena ah inaynu noqono qaran madax banaan, hadii niyadeenu wada fiican tahay waxba inaga xumaan mayno,marka danta guud hagaagto ayey ka gaarkuna hagaagayaa, waana doon la wada saaran yahay oo loo baahan yahay in la wada badbaadsado.

Markii salaadda laga soo baxayna waxa dadweynaha qaarkood salaan iyo bariidin ugu tagayeen guriga madaxtooyada madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi dadweynaha ku qaabilayey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.