3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo boqollaal dadweyne ah kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo degmada Galdogob ee gobolka Mudug


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfa ayaa maanta boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carafo kula dukaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dalka usoo kaban lahaa.

"Waxaan go'aansaday inan fasaxa Ciidda uga faa'iideysto inan waqti la soo qaato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, waxaan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir..
waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.


Wasiirka ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, wuxuuna inta kaddib socod lug ah ku maray qaybo ka mid ah degmada Galdogob, isagoo marka booqday goobaha nasashada iyo dalxiiska loo tago ee degmada, halkaa oo uu hadallada dhiirrigalin iyo marxabeyn ah kula wadaagay qaybaha bulshada ee degmada oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
8/11/2019 2:30 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal militari oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dileen ilaa 16 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay bogga Twitter -ka ee taliska ciidamada xoogga dalka.

8/11/2019 1:42 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Kumannaan ruux oo ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u dukasho iyo damaashaad tegey deegaanka casriga ah ee Daaru-salaam oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

8/11/2019 9:02 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo jeediyay khudbad ku aadan munaasabada Ciidda ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay fara-galinta ka deyso Jubbaland.

8/11/2019 8:43 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda Ciidul Adxaha garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

8/11/2019 8:39 AM EST
Axad, August, 11, 2019 (HOL – Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn loogu ciiday ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee islaamka ugu weyn.

8/11/2019 6:44 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Ismaamulka magaalada Diridhabe ayaa maanta si wayn looga xusay Ciiddii, iyadoo dad aad u badan ay isugu soo baxeen salaaddii Ciidda ee maanta, dadkan oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaalada ayaa isugu jiray yar iyo waynba, waxaanad is dhahaysaa markaad dadka badnidiisa aragto malaha qofba xaafadaha lagagama iman.

8/11/2019 5:55 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadweyne isaga kala yimid xaafaddo kala duwan ayaa maanta si wada jir ah meel-fagaaro ah ugu Oogay Salaada Ciidda-Carrafo.

8/11/2019 5:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carrafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho.

8/11/2019 2:41 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

8/11/2019 2:22 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle loogu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.

8/11/2019 1:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) -Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.