4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Diridhabe oo si wayn looga Ciiday maanta

 


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Ismaamulka magaalada Diridhabe ayaa maanta si wayn looga xusay Ciiddii, iyadoo dad aad u badan ay isugu soo baxeen salaaddii Ciidda ee maanta, dadkan oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaalada ayaa isugu jiray yar iyo waynba, waxaanad is dhahaysaa markaad dadka badnidiisa aragto malaha qofba xaafadaha lagagama iman.

Salaadda Ciidda oo loogu talagalay meel barxad wayn ah ayaa inta badan dadku markay meeshaasi la buuxiyo waxay ku tukadaan goobaha u dhaw oo ilaa laamida gaaraysa.

Ciidba ciidda ku xigta ayay dadka salaadda Ciidda imaanayaani kasii badan yihiin. iyadoo taasi ugu wacan tahay nabadgalyada buuxda ee magaaladda Diridhabe ka jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]