4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo fagaaro isugu soo baxay Salaada Ciidda


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadweyne isaga kala yimid xaafaddo kala duwan ayaa maanta si wada jir ah meel-fagaaro ah ugu Oogay Salaada Ciidda-Carrafo.

Dadka ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin munaasabadda Ciidda oo maanta looga dabaal-dagayo guud ahaanba dunida Muslimka, iyaga oo isku marxabeynayay erayo ay ku weyney-nayaan maalintan faraxadeed.

Caruurta ayaa maanta oo kale siweyn u muujiya farxad iyo reyn-reyn, waxaana la arkayaa iyaga oo hadba dhinac u gooshaya xaafaddaha magaalada ka kooban tahay, qeybna ka qaadanaya fantisyaha lagu maamuusayo maalinta ciida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]