9/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Madaxweyne Waare oo fariin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle


 

Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle loogu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay in ay is cafiyaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka dan-yarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad-gelyo, Horumar, Wadajir,Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena‘’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabeelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.

‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta dowladnimada’’ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare Waxaa uu hambalyada Ciida Carrafo u diray guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabeelle, iyo ciidamada AMISOM ka howlgala Hirshabeelle gaar ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jibuuti iyo shacbiga walaalaha Jabuuti, isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
8/11/2019 2:30 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal militari oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dileen ilaa 16 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay bogga Twitter -ka ee taliska ciidamada xoogga dalka.

8/11/2019 1:42 PM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Kumannaan ruux oo ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u dukasho iyo damaashaad tegey deegaanka casriga ah ee Daaru-salaam oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

8/11/2019 9:02 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo jeediyay khudbad ku aadan munaasabada Ciidda ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay fara-galinta ka deyso Jubbaland.

8/11/2019 8:43 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda Ciidul Adxaha garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

8/11/2019 8:39 AM EST
Axad, August, 11, 2019 (HOL – Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn loogu ciiday ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee islaamka ugu weyn.

8/11/2019 8:24 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfa ayaa maanta boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carafo kula dukaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

8/11/2019 6:44 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Ismaamulka magaalada Diridhabe ayaa maanta si wayn looga xusay Ciiddii, iyadoo dad aad u badan ay isugu soo baxeen salaaddii Ciidda ee maanta, dadkan oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaalada ayaa isugu jiray yar iyo waynba, waxaanad is dhahaysaa markaad dadka badnidiisa aragto malaha qofba xaafadaha lagagama iman.

8/11/2019 5:55 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadweyne isaga kala yimid xaafaddo kala duwan ayaa maanta si wada jir ah meel-fagaaro ah ugu Oogay Salaada Ciidda-Carrafo.

8/11/2019 5:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carrafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho.

8/11/2019 2:41 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

8/11/2019 1:47 AM EST
Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) -Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.