4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Dunida Muslimka oo maanta looga dabaal-dagayo munaasabada Ciidul-Adxaa

 

Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) -Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal-degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul-Adxaa oo maanta ku beegan.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carrafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalinta Koowaad ee Ciidul-Adxaa.

Gaar ahaan dalka Soomaaliya dadka ayaa isugu uruuray fagaraayaasha iyo Masaajidda waaweyn si ay ugu Ogaan Labada Rakcadood ee Salaada Ciidda.

Dadka ayaa isugu hambalyeeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carrafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]