4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in tallaabo laga qaadayo shirkaddo dayacay xujeyda Soomaaliyeed

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in guddi ay dowladdu u saartay la socodka xaalada xujeyda ogaadeen in jiraan shirkaddo dayac weyn u geystay xujeyda Soomaaliyeed.

“Waxaan ogaanay in shirkaddaha qaarkood sameeyeen qaladaad dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxaa ay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Tirada shirkaddahan ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa afar shirkaddood, islamarkaana dowladdu ku qaadi doonto tallaabada ku haboon.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]