4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Doorasho guud oo Itoobiya ka dhaceysa sanadka soo socda

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Xisbiga hoggaamiya tallada dalka Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay Jimcihii shalay in doorasho guud ay ka dhici doonto dalka Ethiopia sanadka soo socda.

Waqti gaar ah looma cayimin doorashada marka laga soo tago in la qabanayo sanadka danbe, ‘’ doorasho guud ayaa ka dhaceysa wadanka sanadkan soo socda , ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xisbiga.

Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay bishii June gobolka Amxaarada ayaa dhaliyay shaki ah in ammaanka uu sugi karo xisbiga xukuma dalka Ethiopia iyadoo ay sii socdaan khilaaf dhinaca qowmiyadaha u dhexeeya oo ka jira gudaha dalkaas.

Balse go’aankan ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya shakiggii ahaa in dowlada Ethiopia ay awoodi karto in la qabto doorasho guud kadib qalqal dhinaca siyaasada iyo ammaanka ee soo wajahay dalka ku yaal Bariga Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]