4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay deegaanka Carrafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan xajka.

Xujeyda ayaa saakay basas looga soo qaaday degaanada ay degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka xajka ee sanadkan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhigay wadooyinka waa weyn ee magaalada Maka Al-Mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee xaramka u jira 2-KM.

Maalinta berri ah ayaa leysku diyaarinayaa dabaal-dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa oo ka mid ah ciidaha muslimiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]