4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Puntland oo u dabaal-deggaysa sannad guurrada 21aad


Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Deegaannada Puntland ayaa maanta looga dabaal-deggaya xilligii la aasaasay dowlad-gobolleedka.

Muddo 21 sanno ah ayaa laga jooga xilligii lagu dhawaaqay maamulka Puntland ,iyada oo la dhisay sannadkii 1998-dii.

Munaasabadda ugu ballaaran ee dabaal-degga ayaa ka dhacaysa magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaa oo diyaar garow xooggan uu ka socdo.

Wafuud kala duwan ayaa munaasabadda oo sidoo kale ka dhacaysa deegaannada kale ka qaybgalaya. Waxaa ku sugan magaalada Garoowe wafdi ka socda labada gole ee Baarlamaanka dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa la xoojiyay, waxaana ciidammo dheeraad ah la dhigay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]