4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Dagaal ay ku lug lahaayeen xoogag taabacsan Mukhtaar Rooboow oo ka dhacay gobolka Bakool

 

Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegayaa in saacadihii ugu danbeeyay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray xoogag taabacsan Mukhtaar Rooboow iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogagga taabacsan Wadaadka dowladda u xiran ee Muqtaar Roobow ay holwgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaanka Abal iyo tuulooyin kale,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo ilaa iyo hadda aan sirasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Rooboow u suurtagashay in ay la wareegaan deegaannadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay bur buriyaan Saldhigyadooda.

Ma jiro Ilaa iyo hadda wax war ah oo dhakooda ka soo baxay oo la xiriira dagaalka la sheegay in uu dhaxmaray iyaga iyo maleeshiyaadka daacada u ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]