Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka Jarmalka Ee Soomaaliya
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo
saakay subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso,
soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari
ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti
balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador
Annett Günther.
Kulanka ayaa waxaa
Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta
Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed
Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax
Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.
Madaxweynaha
Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee
Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo weftiga balaadhan ee ay hogaaminaysey,
waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu
horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.
“Waxaa maanta sharaf weyn noo ahayd in safiiradda dalka Jarmalka,
ku-xigeenkeeda iyo waftiga balaadhan oo wehelinayey yimaadaan Garoowe, waxaan
aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horeysey meel ka baxsan Muqdisho
safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya
iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo,"
"Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka
Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya
xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana
ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Ugu dambeyn,
Ambassador Annett Günther ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay
imaanshiyaha Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee Dowladda
Jarmalku ka fuliso Puntland ay sii socon donaan, iyada oo xustay in wafdiga ay
hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay'adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada
Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filayo in wakhti kooban gudihii uu dib u bilaaban
doono dhismaha wadadaas
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]