4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
XISBIGA WADDANI“Gaadhigii Guddoomiye Cirro suuqa badhtankiisa wiish lagaga dhex qaatay”

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in gaadhigii gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro la xidhay, isla markaana askartii ilaalinaysay qaar ka mid ah laga kaxeeyey.

“Waxaad ka war qabteen in maalintii shalay gaadhiga Guddoomiyaha Xisbiga suuqa badhtankiisa wiish lagaga dhex qaatay, ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha Xisbigana qaar ka mid ah xeryahoodii dib loogaga yeedhay. Sababta arrintaasi u dhacday markii aanu u dhabba galnay ee aanu isku daynay in aanu xog rasmi ah ka helana waxay u muuqata xukuumaddii masuulka ka ahayd amniga dalku in ay ka badheedhayso jeexista dariiqa fawdo dalka ka dhacda,” ayuu yidhi Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI .

Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun ayaa sheegay in direys loo keenay askarta ilaalinta u ah gudoomiyaha oo laga soo qaadayey magaaladda Saylac oo sifo sharci ah soo martay lagu qabsaday gaadhigii siday markii uu Hargeysa yimid.

“Guddoomiyaha xisbigu wuxuu leeyahay ilaalo u gaar ah oo qaabilsan sugidda amnigiisa. Ilaaladaasi waxay ka tirsan yihiin ciidamada Qalabka sida ee dalka, ciidamo beeleed maaha ee waa ciidamo isugu jira booliska iyo militariga, waxa loogu deeqay dirays iyaga u gaar ah oo ay xidhaan, dirayska waxa ugu deeqay muwaadin reer Somaliland ah waxaana loo keenay magaalada Saylac waanay ka doonteen, taliska guud ee ciidamada Qaranku warqaddii uu ku amray in la soo siiyo diraysku waa tan waana warqad taliska ka soo baxday oo ah 16 dirays ah oo ay soo qaadaneyeen, warqadda wasaaradda Maaliyaddu ku farayso qaybta Kastamaduna waa kan oo waxaa ku yaalla saxeexa agaasimaha. Labada warqadood ba waxay caddaynayaan in ciidanka ilaalada guddoomiyuhu sharciga raaceen. Nasiib darro waxa dhacday markii ay soo qaateen dirayskii ayaa lagu dhex qabtay badhtanka magaalada iyada oo tixraacooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin ba la garanayo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Afhayeenku wuxuu sheegay in afar iyo labaatan saacadood gudahood lagu siidaayo oo waliba raaligalin laga bixiyo xadhiga gaadhiga gudoomiyaha.

“Waxaanu ku dhiiri gelinayna taageerayaashayada oo aanu ku xanto xantaynayna xumo aan qalbigiina ku jirin in aan la idinku abuurin mana tihidin kuwa bartooda looga soo dhacayo Qaranka. Waxa uu guddoomiyuhu astaan idiinku yahay isku haynta, sharafta iyo wadida shacabka Somaliland waxaanu damac kaga jira hayaanka iyo halganka hoggaaminta dalka,” ayuu yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun.

Gaadhiga gudoomiye Cirro ayey wararku sheegayaan in direys ciidan oo u gaar ah loogu keenay Saylac, taas oo markii la ogaaday inay gaadhigan saaran yihiin xabsiga loo taxaabay gaadhigi dirayska siday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.