4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Xildhibaan sheegay in uu dacwad ka gudbinayo Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Iyadoo maalintii shalay uu buuq ku soo dhamaaday kulankii Golaha Shacabka, ayaa dhinaca kale waxaa soo ifbaxayay eedeymo culus oo ay warbaahinta u isku mariyeen gudaha xarunta xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Yuusuf Xusseen Axmed ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbinayo Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maalintii shalay sheegay in ay jiraan xildhibaanno Golaha Shacabka ku matala Ururka Al-shabaab.

Gaar ahaan Wasiir Goodax ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay xildhibaan Yuusuf Xusseen Axmed oo uu ku tilmaamay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab kuna matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta kaddib eedeyntaas loo jeediyay ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaannada kale ee Golaha Shacabka isku afgarteen in ay sharciga la tiigsadaan Wasiir Goodax oo sida uu hadalka u dhigay looga fadhiyo in uu cadeymo u keenno eedeymaha uu u jeediyo xildhibaannada.

Gudiga anshaxa Barlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay u gudbin doonaan,isla markaana iyaga oo Xildhibaano dhowr ah ay looyaro qabsadeen dacwadna ay ka gudbin doonaan Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

‘’Sharciga ayaan la tiigsaneynaa, ugama hari doonno eedeyntan, ilaa xasaanada laga qaado,kadibna aan maxkamad la tiigsado,’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in  uu qabsaday Qarreenno uu arintan  la tashi kala sameeyay, madaama sida uu hadalka u dhigay eedeynta loo jeediyay tahay mid aad u culus una baahan in cadeymo loo helo.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasiir Goodax.

Kulankii maalintii shalay ee Golaha Shacabka ayaa ku soo idlaaday buuq iyo fowdo kaddib markii leysku afgaran waayay sida laga yeelayo ka qeybgalka Warbaahinta ee kulanka oo ahaa mid xasaasi ah looga dooddi lahaa xaalada Amniga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]