4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Al-shabaab oo la wareegay deegaan hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay la  wareegeen deegaanka Dag-Cada oo hoostaga  degmada Dhoobley kuna dhaw xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona halkaai  ay saldhiga ku lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Dagaal culus ayaa la sheegay in uu deegaanka ka dhacay ka hor inta aysan la wareegin xoogagga Ururka Al-shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]