4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Taliska Booliiska oo sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo walxaha qarxa

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen Zakiya Xusseen Axmed oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada dowladda howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo walxaha qarxa.

Howlgalkan oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee dulleedka Muqdisho ayeey sheegtay in lagu soo qabtay hub faro badan, Bambooyin, Miino, Sumanka qaraxyada iyo waxyaabo kale,isla markaana lagu aasay God ku yaalla deegaanka howlgalka laga fuliyay.

Dhinaca kale howlgal ay ciidamada ka sameeyeen degmada Afgooye ayeey sheegtay taliye ku-xigeenka in lagu soo qabtay ilaa 35 xubnood oo sida ay hadalka u dhigtay ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Deegaanka Sabiib oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Hoose ayeey sheegtay in howlgal laga sameeyay lagu soo qab qabtay 14 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Warka ka soo baxay taliska Booliiska ayaa imanaya xili howlgalo ballaaran ay ka socdaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelllaha Hoose oo ka mid ah deegaannada ay ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]