4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Deni: Waan Ixtiraamaynaa heshiiska DP World

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, wuxuu xaqiijiyay heshiiskaa inuu ixtiraami doono.

"Heshiiska waa naga horreyay ... Waan ixtiraamaynaa heshiisyadii dowliga ahaa ay galeen dowladihii hore maxaa yeelay waxay nagu ixtiraameen markii doorashadii laga badiyay inay si nabadgalyo ah ay ku wareejiyaan ,taas annago ku qadarinayna waxaa naga ballan ah inan ilaalino wixi heshiisyo ah oo ay galeen " ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wuxuu inta ku daray "Dowladda waxaa u furan heshiis kasta oo ay markaa u aragto inay wax ka dhimanyihiin  ama wax siyaado ku yihiin inay ka hadasho oo ka dooddo, inay wax ka saxdo ... waxaa suragal u ah heshiiskii u aragto inuusan dan u ahayn inay buriso haddii loo arko inuu saas yahay, laakin ma rabo inan ka hor-dhacno heshiisyada ilaa aan la kulano heshiisyada cidda nala gashay ,aragno ciladaha uu leeyahay".

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo hadalkan ka sheegay kulan uu kula hadlayay qaybaha bulshadda ee magaalada Boosaaso, in heshiiyada dhinaca dekedda ay jiraan waxyaabo badan oo gaabis ka yimid dhinaca Puntland,isagoo marka rajo ka muujiyay dhinacoodda inay gaabiska sixi doonaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]