4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2019
Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo lagu kala tagay

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Kulankii Golaha Shacabka ayaa ugu danbeyntii la soo xiray kaddib markii warbaahinta loo diiday in ay ka qeybgalaan kulanka oo ay dalbadeen qaar ka mid ah Golaha Shacabka .

Buuqa Golaha ayaa ka bilaawday codeynta warbaahinta banaanka looga saaray Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku doodayaan in aysan sax aheyn qaabka codeynta u dhacday.

104 Xildhibaan ayaa u codeysay in warbaahinta dibadda loo saaro, halka 42 Xildhibaan ay diideen, waxaana durba la amray in warbaahinta dibadda loo saaro.

Balse Xildhibaanada qaar oo ka hor-yimid codeyntaas ayaa is hortaagay in saxaafadda dibadda loo saaro, iyagoo ku qeylinayay Guddoonka Baarlamaanka.

Lama oga waqtiga kale ee leysugu soo laabanayo kulanka Golaha Shacabka ee Su'aalaha lagu weydiinayo madxda hay'addaha Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]