4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Kulanka Golaha Shacabka oo goor dhaw furmaya iyo Wasiirka Amniga oo gaaray xarunta Golaha

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa goor dhaw gaaray xarunta Golaha Shacabka oo maanta uu ka furmayo shir looga hadlayo Amniga dalka.

Marka laga soo tago Wasiirka waxaa la sugayaa oo wali aan gaarin xarunta ay ku shirayaan xildhibaannada Golaha Shacabka Wasiirka Difaaca, taliyayaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaan loo ogolaan doonin in ay ka qeyb-galaan Warbaahinta kaddib markii uu sidaa amray guddoonka Golaha Shacabka, laakiin waxaa suurtagal ah in arintaa ay ka horyimaadaan xildhibaannada kaddib –na cod la galiyo in warbaahintu ka qeybgasho kulanka iyo in kale.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]