4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Shirkadda Boeing oo yareysay soo saaridda diyaaradda 737 MAX 8

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) - Shirkadda Boeing ayaa si ku meel gaar ah hoos ugu dhigtay soo saaridda diyaaradaha nooca 737 oo suuq weyn dunida ku lahaa kaddib marki ay dhaceen shilalki diyaaradeed ee Itoobiya iyo Induniisiya.

"Shirkadda Boeing oo bishiba soo saari jirtay 52 diyaaradood laga billaabo bartamaha bisha April tirada diyaaradaha ay bishi soo saarto iney ka dhigeysaa 42 diyaaradood" sida ay sheegeyso warbixin qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay.

Go'aanka shirkadda ay qaadatay ayaa imanaya marki uu hoos u dhac uu ku yimid dalabki diyaaradaha 737 lagu soo dalbanayey laba shil markay dhaceebn kaddib.

Dhammaan diyaaradaha nooca 737 ee dunida ka howl gala ayaa duullimaadyada laga joojiyey kaddib marki la ogaaday in labadii shil ee dhacday ay sababeen habka duulista diyaaradda oo ay cillad ku timid.

Diyaaraddii Itoobiya ayaa bishii Maarso burburtay daqiiqada yar markay hawada ku jirtay iyada oo ka duushay garoonka caalamiga ee Addis Ababa waxaana ku dhintay 157 qof ee diyaaraddaasi saarneyd.

Si la mid ahna diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha 'Lion' oo laga lahaa dalka Indoneesiya ayaa iyaduna markay daqiiqado yar un kadib marki ay ka duushay garoonka Jakarta buburtay shilkaasi oo ay ku dhinteen 189 qof oo diyaaradda saarnaa.

Natiijadaa hordhaca oo Khamiistii ka soo baxay guddigi baarayey shilka diyaaradeed ee Itoobiya ka dhacay ayaa muujinaya inuu shilka uu sababay habka duulista ee MCAS cillad ku timid.

Waxay sida oo kale guddigu sheegeen inuu duuliyaha diyaaradda uu cilladda diyaaradda ku timid laanta duulista uu ku soo wargeliyey talooyinka la siiyey oo dhanna uu raacay balse ay ka badbaadinin shilka diyaaradda inuu dhaco.

Dennis Muilenburg oo ah Madaxa shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max.

Balse wuxuu sheegay in diyaaradda 737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaan badan marka ay dib u hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo hagaha duuliyeyaasha.

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya ayaa sheegtay in hanaanka diyaaradda ee 737 Max uu horseeday in ay af af u hoobato, shaqaalaha oo raacaya nidaamka xaaladda degdegga ah ee diyaaraddana ay xakamayn waayeen, waxay sidaas ka sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay ka dib markii ay soo baxday warbixintii hordhaca ahayd ee baaritaankii lagu hayay burburka diyaaradda.

Duulaamaadka ET302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.

Bishii Oktoobar ee sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan 189 ruux ee saarnaa.

Xigasho BBC