4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Meydka haweeney lagu arkay saakay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) - Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta meydka qof dumar ah ayaa saakay lagu arkay xaafad ka tirsan Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Haweeneydan ayaa la sheegay in jirkeeda ay ka muuqdaan rasaas loo adeegsaday dilkeed, ilaa iyo haddana waxaa ay sheegeen dadka degmada in ay garan la’yihiin haweeneydan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta lagu arkay meydka qofka dumarka, kuwaa oo halkaa ka bilaabay baaritaanno.

Magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ay caan ku aheyd meydadka la soo dhigo xaafadaha, kuwaasoo inta badan meelo kale lagu dilo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]