Howlgal dad badan lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho
Talaado, April, 30. 2019 (HOL)–Ciidamada Amaanka
dowladda Soomaaliya ayaa xalay Howlgal iyo baaritaanno dad badan lagu soo qab
qabtay ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada
Shibis.
Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada booliska
ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalin yaro aad u fara badan ,kuwaasi oo qaarkood ay
ka xeysteen ciidamada booliska Soomaaliya.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay
baaritaano ku sameynayeen gaadiidka nooc-yadiisa kala duwan, kuwaasi oo ka
howlgala degmada Shibis iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir,waxaana sidoo
kale baaritaanka uu ahaa mid guri guri lagu baarayey.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay taliska
Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faah-faahin ka bixiyaan
baaritaanada xalay laga sameeyay degmada Shibis ee gobalka Banaadir.
Maalmihii ugu danbeeyayba ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho howlgalo Amnmiga lagu xaqiijinayo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]