4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Al-shabaab oo rasaas ku furay Doon Kalluumeysi

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in qof uu ku dhintay rasaas Al-shabaab ay ku fureen Doon ay wateen rag kalluumeysato ah.

Wuxuu sheegay in xiligan rasaasta lagu furayay Doontan ay mareysay inta u dhaxeysa deegannada Jilib Marka iyo Gardanshe, hasse ahaatee ay ku dhawaatay fariisin ay Al-shabaab lahaayeen.

‘’Doonta waxaa la socday Shan Qof Kalluumeysato ahaa, waxaa rasaas ku furay Al-shabaab taasoo sababtay geerida Naaquudihii Doonta, ayuu yiri’’ mas’uulkan la hadlay warbaahinta.

Gobolka Shabeellaha hoose saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka socday howlgallo ciidamada dowladda ay ku baacsanayaan Al-shabaab, taasoo keentay in ay xoogagga Al-shabaab ka shakiyaan Doontan.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin Al-shabaab eedeynta loo jeediyay ee ah in ay rasaas ku dileen qof Kalluumeysato ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]