4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Qaabiley Safiirka Masar ee Soomaaliya

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafdi uu hoggaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

" Waxaa booqasho noogu yimiid safiirka dowladda Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya wadahadalladii qaybihii hore ayaan yeelanay, qayba danbe waan yeelan doonaa muddo saddex bari ahna dalka way ku sugnaan doonaan ilaa magaalada Boosaaso ayey tegi doonaan."ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo kulanka ka warbixiyay.

"Safarkan wuxuu ku waajahan yahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, Cadaaladda, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee xoolaha iyo wixii la halmaala". ayuu ku daray.

Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar ayaa dhankiisa ka warbixiyey  kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Puntland.

"Waxaan ka mahadnaqaynaa qaabilaadda wanaagsan ee aan kala kulanay Madaxweynaha Puntland, , safarkaygu wuxuu ku salaysnaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Masar iyo ka caawinta Puntland fursadaha bannaan, khaasatan waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga".

"Masar waxay ahmiyad ballaaran siinaysaa xiriirka walaalahooda Soomaaliyeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dheexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland xiriirkaas oo soo billaabmay xilligii Faraaciyiinta, intan joogno waxaan kulamo kala duwan la qaadan doonnaa goleyaasha kala duwan ee dowladda, waxaanna safaro ku tegaynaa magaalooyin dhowr ah". Ayuu yiri Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Kulanka Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtootada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]