4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

 

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilka ka qaaday Maariyihii Golaha Muritada iyo Madaallada [National Tiyatar] Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madaallada ayaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, oo ka mid ahaa Wariyayaasha TVga iyo Idaacada Qaranka muddo dheerna ku soo dhax jiray warbaahinta.

Mas’uulka xilka laga qaaday Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah agaasimaha Warbaahinta Kulmiye ayaa warar kala duwan lagu macneynayaa xil ka qaadistiisa.

Wararka qaar ayaa sheegay in Abwaan Guure uu eersaday war ku saabsanaa in uu xilka is casilayo ra’iisal wasaare Kheyre oo laga sii daayay Warbaahinta uu Agaasimaha ka yahay ee Kulmiye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]