Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaare
ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada
Muqdisho uga furay shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka
Xagjirnimada.
Mudane Mahdi oo hadal kooban ka jeediyay furi-taanka shirka
ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana
uu yahay aragti la soo dhoofiyay.
Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka
Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn
Fikirka Xagjirka.
Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la
dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka
Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad
lagu wada noolaado.
Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo
dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12
ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]