4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Ciidamada Jubbaland oo weerar ku qaaday degmada Xagar
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow iyo nawaaxigeed ayaa xalay saqdii dhexe weerara qorsheeysan ku qaaday degmada Xagar ee gobolka J/hoose oo kamid ah degmooyinka ay gobolka ee Shabaab mudada dheer maamulayeen.

Ciidamada oo aad u qalbeeysnaa ayaa jihooyin dhowr ah ka weeraray degmada, waxaana iska horimaad kooban kadib u suurogashay in ay qadar kooban la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in uusan dhicin dagaal culus oo degmada ku dhexmaray labada dhina islamarkaana Maleeyshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen degmada kadib weerarka.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland C/nuur Ibraahim Xuseen oo u waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in ciidamadu ay qadar kooban gacanta ku hayeen degmada, kadibna ay isaga soo baxeen.

Waxa uu sheegay in ujeedka weerarku ahaa in ay ka hortagaan falal uu sheegay in ay Shabaabku maleegayeen.

Afhayeenka oo aan weeydiinnay qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa sheegay in uusan jirin dagaal halkaasi ka dhacay, Maleeyshiyaadka Shabaabkuna ay isaga baxeen degmada werarka kadib, waxa uu xusay in ay burburiyeen Saldhig ay Shabaabku ku lahaayeen degmadaasi, isagaoo dhankooda sheegay in uusan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.