4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Aabbaha dhalay Ninkii ku eedeysnaa weerarrada Sri Lanka oo la dilay

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)– Saddex ruux oo kala ah Aabbaha iyo labo nin oo la dhashay ninkii looga shakisanaa weerarrada Sri Lanka ayaa ku dhintay howlgal ay laamaha amniga dalkaas ka fuliyeen meel ku dhow magaalada Kattankudy ee ku taalla  dhanka bari ee dalkaas.

Ilo ka tirsan booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saddexda nin ee dhimatay magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Hashim iyo wiilashiisa oo kala ah Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim,iyadoo ka hor dhimashadoodda lagu baahiyay baraha bulshada muuqaal , kaas oo ay ku baaqayaan in dadka oo dhan ay u istaagan dagaal ka dhan ah dadka aan tawxiidka rumaysnayn, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay.

Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay.

Waxaa la baajiyay Axaddii in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka.

Weerarka ka dhacay Sri Lanka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 ruux.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]