4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Dhalinyarro Oromiya iyo Canfarta ka kala yimid ayaa lagu soo dhaweeyay Jigjiga

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Waxaa caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay dhalinyaro ka kala timid degaanada Oromiya iyo Canfarta, dhalinyaradan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, soo dhawaynta ayaa waxaa ka qayb qaatay dhalinyarada degaanka Soomaalida.

Haddaba dhalinyartan degaanka timid ayaa socdaalkoodan ahaa mid Nabad galyo oo lagu midaynayo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta, waxayna socdaalkoodani ugu magacdareen dhalinyartani Socdaalkii Nabadda iyo Midnimadda ee ilmo Kushitik, oo la isku yidhaahdo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta.

Socdaalkan ay dhalinyartani degaanka ku timid ayaa la filayaa in uu wax badan ka badali doono xidhiidhka qowmiyadahan oo waayadii u dambaysay iska xumaa.

 

Dadka degaanka u dhashay ayaa siyaabo kala duwan u arka imaatinka dhalinyaradan Oromiya iyo Canfarta ka socda, iyagoo qaarkood ay soo dhawaynayaan oo ay leeyihiin waa tallaabo fiican oo horseedi karta in la isku soo dhawaado, halka kuwa kale ay leeyihiin Soomaalida waa la dagayaa waana damiir xumo in dadkii shalay laayay dadkeena hadana aynu soo dhawayno, waa hadalada la isla dhex marayo Jigjiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]