4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Hay’adda Nabad-sugida oo sheegtay in ay qabatay walxaha qarxa

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland gacanta ku dhigeen walxaha qarxa.

“Ciidamada nabad-sugida ayaa Miino ka soo saaray goob ay ku aaseen Al-shabaab ayuu yiri taliyaha ciidamada nabad-sugida degmada Baardheere Captain Axmed Garab.

Dhawaan ayeey aheyd markii laamaha Amniga gobolka Gedo shaaciyeen in ay gacanta ku dhigeen xubno ka mid ah Al-Shabaab, kuwaasoo dil ka geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab iyaga oo inta badan weeraro culus ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo Kenya ku leeyihiin gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]