4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Soomaaliya oo qeyb ka ah shirka kaabayaasha dhaqaalaha ee ka furmay magaalada Beijing

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qeyb ka ah wafuud heer caalami ah oo ka qeybgalaya shirka kaabayaasha dhaqaalaha oo maalintii shalay ka furmay magaalada Beijing ee dalka China.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa maalintii shalay furay shir madaxeed ku saabsan ‘Iskaashiga Caalamiga ah ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha , waana mashariic dhismo oo uu Shiinuhu leeyahay balse dalal badan oo qaaradaha adduunka leh ka wada-faa’ideysanayaan.

Kulanka oo socon doona muddo saddex cisho ah,waxaa ka qayb-galaya 37 dal, wakiilo ka kale socda 150 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, ururo caalami ah, waxaana ka mida Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters iyo madaxa Sanduuqa lacagta, Christine Legarda iyo madax uu kamid yahay Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Puttin.

Qaarada Africa, si gaar ah bariga Africa oo ah meelaha uu mashruuca Shiinaha ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan (Belt and Road Initiatives) ka jira kana faa’ideystay waxaa uga qayb-galaya Madaxweynaha Djibuuti Ismaciil Cumar Geele, Ra’isul- wasaraha Itobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo Railo Odinga, hogaamiyihii hore ee mucaaradka waddankaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]