4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Saddax madaxweyne maamul gobolleed oo la kulmay safiirka Mareykanka

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbalad iyo Galmudug ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto

Dhab ahaan lama oga wax ay ka wada hadleen madaxweynayaasha iyo safiirka Mareykanka, hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya dowlad gobolleedyada dalka dowladda dhexe ee federaalka, iyaga oo madaxweynayaashan ka baaqday dhawaan ka qeybgalka shir uu ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magaalada Nairobi maalmihii ugu danbeeyayba siyaasiyiin siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya kuwaa sheegay in madaxda dowladda hadda jirta ku fashilmeen hoggaanka dalka.

Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa Nairobi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la leeyihiin Wakiilada Beesha Caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]