4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Duqa Muqdisho ‘’ Amniga Muqdisho waxaa caqabad ku ah siyaasiyiin doonaya in ay Annaga na ridaan

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maamulka ahna Duqa Muqdisho  gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow  oo ka hadlayay caqabadaha ka jira sugida Amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Amni xumada ka jirta magaalada ka danbeeyaan siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay meesha ka saaraan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay.

Siyaasiyiintan uu tilmaamay ayuu ku sheegay kuwo xaasidiin ah leh dano iyaga u gaar ah, islamarkaana raba in ridaan maamulka gobolka Banaadir, ‘’Waxaa jira dhaqan ay siyaasiyiintu abuureen oo wax walba la siyaasadeynayo.. Amnigii la siyaasadeynayo….Siyaasiyiin ay ka tahay xaasidnimo iyo xumeyn iyo maamulka hadda jira ha dhaco…haku guuldareysto howlaha uu hayo…ayaa ka danbeeya runtii dhibaatada magaalada ka jirta’’

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa yiri ‘’ “Waxaa jira dhaqan oo laga yaabo in dhalinyarada hadda jira kusoo koreen oo mar walba loo dhaxeeya,sida hoggaamiye kooxeed ama burcad, laakin hadda lama joogo waqti la dhaho iska gaabso yeysan Al-Shabaab ku arkine,laakin anaga hadaan shacabka fahmin amni lama sugi karo ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheego in ay jiraan siyaasiyiin Amniga magaalada caqabad ku ah si ay isaga meesha uga saaraan, iyadoo qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada intooda badan ay sheegtaan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]