Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Urur hanti badan
leh oo horumarka u dhaqdhaqaaqa ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada
doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah
gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada, sida ay shaacisay warbaahinta
Fox News.
Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Ilhaan wajaheyso eedeymo xoog leh oo la
xiriira Yuhuud Naceyb iyo waxyaabo kale oo muran salka ku haya.
Bogga uu ururkan ku leeyahay internet-ka oo lagu magacaabo MoveOn.org ayaa
Arbacadii lagu shaaciyay taageerada loo muujiyay Ilhaan Cumar oo Koongareeska u
matasha xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka.
Waxay ururku sheegeen inay arrintan kusoo beegeen dhaleeceynta daba socotay
hadalladii ay jeedisay gabadhan laga soo doortay gobolka Minnesota.
"Iyadoo ay jiraan falal cunsurinnimo ah iyo isku dayo lagu doonayo in
lagu hor istaago gabadhan, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah,
muslinna ah ee ku biirtay Koonagreeska Mareykanka, iyo isku dayada qaawan ee
lagu kicinayo qalalaasaha ka dhanka ah iyada iyo bulshooyinka Muslimiinta ah,
Ilhaan Cumar waxay sii wadday dadaalka ay ugu dagaallameyso bulshadeenna, mana
aha dadka ay u doodeyso kuwa maalqabeennada iyo kuwa awoodda leh oo
kaliya", waxaa sidaas lagu yidhi warbixinta ay soo saareen ururka
taageerada u muujiyay Ilhaan.
Hase ahaatee, taageeradan ayaa noqon karta mid ku adag Ilhaan, maadaama ay
horay marar badan uga hadashay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadda lacagta
dabada looga riixo.
Ururka MoveOn ayaa caan ku ah inuu mar walba xabadka u garaacdo
musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku garab
istaago.
Doorashadii 2018-kii ka dhacday Mareykanka, wuxuu ururkan ku taageeray lacag
dhan $3.5 malyan oo doolar.
Ilhaan Cumar ayaa dhawaanahan wajaheysay dhaleeceyn uga timid hadallo ay
jeedisay, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo arkay.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu eedeynayay hadallo la sheegay
inay ku buun buunisay khasaaraha Soomaalida kasoo gaaray howlgalkii uu
mareykanka Muqdisho ka fuliyay sannadkii 1993-kii.
Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraal ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda
Twitter-ka sannadkii 2017-kii.
"Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado
kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!",
sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu
qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho
Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay.
Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu
kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay
gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo "kumannaan", sida
ay qortay warbaahinta Fox News.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]