4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Xisbiga WADANI oo sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay soo saareen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa si adag uga hor yimid go’aankii labada xisbi ee kale KULMIYE iyo UCID isku raaceen ee uu ka maqnaa xisbiga WADANI.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay in go’aankaasi xaaraan ahaa,isla markaana ay ka dhalan karto cawaaqib xun oo dhibaato u keeni karta Somaliland, taas oo masuuliyadeeda uu qaadan doono madaxweynuhu.

“Xisbiga WADANI waxa uu arka in go’aanka xaaraanta ahaa ee labada xisbi ee kulmiye iyo UCID gaadheen 23/april/2019 uu dalkan u horseedayo caqaaqib xumo sida looga soo kabtaana adkaan doonto, waxaanu xisbigu ka digaya isku day kasta oo loo qaado meel marinta go’aankaasi sharci darada ah dhibaato kasta oo ka dhalata aritaasna aad masuuliyadeeda madaxweyne ahaan qaadi doonto.”ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro.

Go’aankaasi labada xisbi ka gaadheen doorashooyinka soo socda in la qabto waxa aanu raali ka ahayn xisbiga WADANI, waxaanu ka soo saaray qodobadan.

1. xisbiga WADANI waxa uu adkaynayaa sida u horaba dhawr jeer u cadeeyey in doorasahda golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ay qabsoomaan xiligii loo mudeeyey ee sanadkan 2019.

2. xisbiga WADANI waxa uu diyaar ua yahay goor kasta doorasho xor iyo xalaal ah oo fure u yahay komisahn dhexdhexaad ah oo si cadaalad ah xisbiyada qaranku usoo xulaan.

3. Xisbiga WADANI waxa uu hoosta ka riiqaya si loo suurtagaliyo helitaanka komishan dhexdhexaad ah in xeerka doorashada ee hada golaha wakiladu horyaala kaabista iyo wax ka bedelka markiisii lixaad in qodobkiisa 12aad faqradiisa 1aad iyo 2aad lagu daro qodobada wax laga bedelay oo la waafajiyo in xisbiyadu si cadaald ah 9 xubnood oo komishanka ah usoo xushaan, sidaas oo kalena in dhamaan arrimaha doorashooyinka lagama maarmaanka u ah xeerka la galiyo.

4. xisbiga WADANI waxa uu ayidaaya soo jeedintii ururada bulshada rayidka ah ee somaliland iyo beesha caalamka ee ku saabsana in komishanka hadda jooga ee aan doorashadan qabanayn la kala diro ugu dambeyn bisha 6aad ee sandkan si komishan cusub loogu helo wakhti ku filan oo uu doorashada ku qabto.

5.Xisbiga WADANI waxa uu umada u cadaynaya in dhawaaqa ka soo yeedhay labada xisbi ee kulmiye iyo UCID uu khilaafsan yahay xeerarka dalka gaar ahaan qodobka 1aad faqradiisa 10aad ee xeer Lr 14/20101 ee u dhigan sidan “ doorashooyinka qaranka waxa loola jeeda doorashoyinka guud ee ay ku tartamayaan sadexda xisbi qaran sidaas awgeed xisbiga WADANI waxa uu cadaynaya in doorasho aan loo dhamayn ahayn doorasho qaran iyo doorasho guud toona.”

Si kastaba ha ahaatee, labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ayaa ku heshiiyey qodobo suurtogalinaya in la soo afjaro caqabadihii ka horeeyey doorashooyinka,isla markaana doorashadda mudadeedii lagu qabto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland