4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Duufaanno ku soo wajahan qeybo kamid ah Bariga Afrika

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Ha'yadda saadasha hawada ee adduunka ayaa sheegtay in duufanno ay kusoo wajahan yihiin dalka Mozambique , waxaana la filaya in duufaanta ay garaacdo gobollada xeebta ku yaalla ee waqooyiga dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.

Waxaa sidoo kale la saadaaliyay in duufaanta ay ku dhufan doonto deeganno ku yaalla dalka Tanzania.

Dowladda Tanzania waxay ugu baaqday shacabka ku nool deegaaka Mtwara iyo goobaha ku xeeran inay u guuraan dhulka fog si ay uga badbaadaan duufaanta la filayo inay halkaasi ku dhufato.

Waxaa la xiray goobaha waxbarashada ee ku yaalla koonfurta dalka Tanzania.

Duufaantan oo loogu magac daray 'Kenneth' ayaa saddex maalmood ka hor kasoo bilaabatay Badweynta Hindiya gaar ahaan deegaan ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Tan iyo xalay, duufaanta waxay garaaceysay deegaanno ku yaallo galbeedka dalkaasi, waxaana gobolka Cabo Delgado ka dhacy dhul go'.

Wasaaradda gurmadka deg deg ah ee dalka Tanzania ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay gargaar u fidiso dadka ay saameeyeen roobabka mahiigaanka ee ka da'y koonfurt Tanzania, xilli la sheegay in duufaanta 'Kenneth' lagu wado inay ku dhufato deegaanada xeebta ku yaalla ee dalkaasi.

Xigasho BBC