4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Hindiya ee Soomaaliya

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.

Kulanka oo ahaa mid muhiimaddiisu sareysey, ayna labada dhinac si weyn u soo dhoweeyeen ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo tababaradashaqaalaha rayid ka ah ee Puntland.

Ambassador Rahul Chabbra ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan muhiim ka ah, waxaana uu  Puntland ku ammaanay kaallinta ay ka qaadatay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo la-dagaalanka Burcad Baddeeda. Safiirka ayaa ballan qaaday in Puntland ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan si xiriirka labada dhinac uu u noqon lahaa mid waxbadan oo faa'iido leh soo kor dhiya.

Madaxweynaha  Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Kenya oo uu halkaasi kulamo kala duwan oo heer caalmi ah kula qaadanayey beesha caalamka ayaa aad u soo dhaweeyey dhankiisa kulanka waxaana uu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka shaqaynta kor u kaca xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo Hindia.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]