4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2019
Xildhibaan Cali Balcad : Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa doortay in uu sii heysto Basaboorka Mareykanka

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cali Maxamed Cumar [Cali Balcad] oo horay u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya oo wareysi siinayay Warbaahinta Dalsan ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo soo bandhigay in uu iska wareejiyo Baasaboorka Mareykanka, laakiin uu ku adkeystay in uu sii heysto.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo markii la doortay wax-yaabihii ugu horeeyay ee lagala hadlay aheyd arinta Baasaboorka Mareykanka, iyadoo loo sharaxay faa’iidada iyo dhibatada ka iman karta labadaba haddii uu sii heysto iyo haddii uu iska wareejiyo, balse uu ku adkeystay in uu sii ahaado muwaadin Mareykan ah.

‘’Waa madaxweynaha kaliya ee heysta dunida Baasaboor Mareykan ah, horay waxaa u wareejiyay madax badan oo caalamka ah, waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Israel, Lithuania, Ciraaq, Haiti iyo kuwa kale.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqday safarro muhiim ah oo uu ku tagi lahaa dalka Mareykanka sababo la xiriira jinsiyada uu heysto, waxaana safaradaa uu madaxweynuhu ka baaqday ka mid ahaa ka qeybgalka shirar heer caalami ah sida shirka golaha guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wasaarradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa dhawaan soo saartay digniin ka dhan ah dadka heysta dhalashada Mareykanka ee xilalka ka qabta ama u dhaarta dal kale kuwaa oo loola macaamili doonin sidii madax oo kale ilaa ay wareejiyaan Basaboorada Mareykanka oo ay heystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]