4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Xildhbaanno Shabeellaha Hoose u tagay dhameynta dagaal beelleedyo halkaa ka jiray


Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed ayaa u tagay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose sidii loo soo afjari lahaa dagaal beelleedyo muddo dheerba halkaa ka taagnaa.

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf, Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo ciidan ayaa tegay degmada Walaweyn, iyaga oo kulamo la qaatay odayaasha beelaha halkaasi ku dagaalamay,waxaana ugu dambeyn ay kala dhex dhigeen heshiis.

Waxaa qeyb ka ahaa kulamada lagu wada hadashiinayay beellaha dirirtu dhaxmartay saraakiil Mareykan ah oo saldhig ku leh qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaa oo kulamada xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka ka qeybgalay.

Dagaalka ka dhacay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka bilaawday bar koontorool oo ku taalla Galbeedka degmada, waxaana dagaalka uu sababay dhimashada 7 Ruux oo laba dhinac ah,iyad aoo sidoo kale ay jirtay dilal gooni gooni ah oo la isku geystay, balse markii danbe xal lagay gaaray.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dhulka Soomaaliya ay ka dhacaan dagaal beelleedyada, kuwaa oo galaaftay nolasha dad badan oo rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]