Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka China ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha.
Kulanka labada mas'uul ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 1.8 bilyan oo dollar, kaa oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda.
Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka,sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta.
Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]