4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya

Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka waxaa looga hadlay xiriirka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaallanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu boggaadiyey horumarka Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan Puntland uga samaynayso maalgashi ballaaran.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad ballaaran uu u leeyahay kulan kan  Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]