4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Laba qof oo ku geeriyooday dab qabsaday qoysas isku raranka oo degan duleedka Bari ee Hargeysa


Talaado, Apriil,0 2,   2019  (HOL)- Laba qof ayaa ku geeriyooday qof kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii dabqabsaday xaafad isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi, oo ku taala bariga magaalada Hargeysa, oo la yidhaa Istaanbuul.

Sidoo kale, guryihii cooshadaha ahaa ee ka samaysnaa maryaha iyo bacaha  ayaa gabi ahaaba shuf beellay,nasiib wanaag dadkii badankoodu way ka badbaadeen.

Labadan qof ayaa ahaa haween, halka qofka dhaawaca ahaana haween ahaa, waxaana ugu dambayn u gurmaday dab-damiska magaaladda, kuwaas oo intii ka hadhay bakhtiiyey.

Xaafadan isku raran ah ayaa waxa degan qoysas danyar ah, waxaanay u dhow dahay buurta Naaso hablood ee bariga magaaladda Hargeysa.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]


Hargeysa, Somaliland.