Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Waxaa Magaalada
Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada
iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho
intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federaal ayaa waxaa ka
soo qeybgaley Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Casriga ah ee
Hirshabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Iyo
Isgaarsiinta ee Galmudug, Mudane Xildh. Aadan Xaaji Xasan; Wasiirka Boostada
Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koofur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur
Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Tiknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta
ee Jubbaland, Mudane Cabdi Xuseen Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta
& Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay
wada-shaqeynta wasaaradda iyo Wasaaraddaha ku beegan ee dowlad-goboleedyada.
Shirkan oo muddo seddex maalmood ah
ka socday Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha
guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer
federaal iyo heer Dowlad gobleed iyo Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
iyo Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta.
Waxa ay Masuuliyiinta ka soo
qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos
ku xusan:
1.Waxa ay uga mahadceliyeen
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga
ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.
2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban
iyo howlaha qabsoomey.
3.Waxa ay isla garteen in dib loo
soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd
caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka.
4.Waxa ay isla qaateen in la
hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah
Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga
sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran.
5.In Wasaaradaha Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo
furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka,
gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta.
6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed
waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka
labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed.
7.In tabashada Maamul Goboleedyada
Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka.
8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada
ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo
Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka
tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45
cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019.
9.In Wasaaradaha Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo
kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda.
10.In Bankiga Adduunka laga codsado
in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka
oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay
suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad
ee Mashruuca.
11.In laga wada shaqeeyo qorshaha
dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka.
12.In dawlad-goboleed kasta ay
bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee
heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo
dawlad-goboleedyada.
13.In Wasaaradaha Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan
diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka
dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto.
- Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha
tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo
tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada
(WBIT) ay ka hirgelinayso dalka.
- In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada
(WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha
iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad
goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah.
- in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca
tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee
heer dowlad-goboleed.
- Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada
Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed
Soomaaliya.
- Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca
taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan
wada-tashiga ah
- In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka
wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee
Wasaaradda.
-
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]