4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Taliska Booliiska oo war ka soo saaray qaraxii goor dhaw ka dhacay Isgoyska Dabka

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Taliya Ku-xigeenka Booliska Jen. Zakiya Xusseen Axmed ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay qaraxa iyo khasaaraha uu sababay, waxaana ay xustay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Harier oo la dhigay maqaayad horteeda uu qarxay.

Waxey xaqiijisay dhimashada ilaa Afar ruux tiro intaa ka badanna waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Jen. Zakiya ayaa ugu baaqday shacabka in ay taxadar muujiyaan, ayna Booliska ku soo wargeliyaan gawaarida ay ka shakiyaan, iyagoo soo wacaya taleefanka nambarka 991.

Qarax ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]