4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Qaraxii Labaad oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay goob maxaaqi ah oo laga cuteeyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada, waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad oo isla maanta ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay walxaha qaraxa ka soo gaartay.

Barkho-nimadii maanta ayeey aheyd markii qarax uu ka dhacay ilinka hore ee hotelka Mubaarak ee Waddada Maka Al-Mukarma, kaddib markii uu qarxay gaari goobta yaalay. 

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]