4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Dilkii Axmed Dowlo oo 7 ruux maxkamad loo soo taagay

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Maxkamada gobolkan Banaadir ayaa maanta waxaa la horkeenay 7 ruux oo ku eedeysan dilkii iyo gubidii bishii Setember ee sanadkii 2018  Magalada Muqdisho loogu geystay Marxuum la oran jiray Axmed Mukhtaar Dowlo.

Dilka marxuumka ayaa loo xiray 7 ruux oo lagu eedeeyey dilka Marxuum Axmed Dowlo, waxaana sababta loo dilay marxuumka ayaa aheyd in wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ay deris ahaayeen balse reerkeeda ay sheegeen in Gabadhooda uusan u qalmin in uu guursado wiilkaas sabab la xiriirta heyb soocid.

Dilka Axmed Dowlo ayaa noqtay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya, hasse ahaatee dhowr bil kadib waxaa meesha ka baxday hadal heyntii dilka, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeeyeen wiilka iyo Gabadha la isku diiday oo isla baxsaday.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay go’aan rasmi ah ka gaarto dad loo heysto dilka marxuum Axmed Dowlo oo gaaraya ilaa 7 Ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]