Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Madaxweynaha xilka
laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo
wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo
qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in
Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana
amnigeeda aad loo adkeeyey.
Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka
tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta
madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan.
Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray
kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay
tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada
ku dhex-taal.
Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka
tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii
madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib
markii uu xilkaas qabtay.
Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax
Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood.
VOA